Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweeynaha Jubbaland oo Ka Digay Aargudasho Al Shabaab Sameeyaan

Khamiis 25 July 2024 {HMC} –  Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ee lagu gumaaday weeraradii dhawaan kusoo qaadeen saddex deegaan oo dhaca Jubadda Hoose, mar kale isku dayi doonaan in aargudasho sameeyaan.

Axmed Madoobe oo la hadlayay ciidamo ku sugan deegaanka Buuloxaaji oo booqasho dhiirogelin ah ugu tagyay ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab lagu xanuujiyay weerarkii ay soo qaadeem, waxa uuna xusay in meydadkooda wali jidadka yaalaan dhaawacoodana la’yihiin meel ay ku daaweestaan.

Waxa uu sheegay Madaxwe6naha in ciidamada looga baahan yahay in ay galaan heegan buuxa una diyaar garoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro kale oo aargudasho ah oo ay suurto gal tahay in kooxda Al Shabaab mar kale soo qaadaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana sheegay in kooxda Al Shabaab ay hadda qabaan utun ayna suurti gal tahay in aargudasho sameeyaan, waxa uuna ciidamada ugu baaqay in guusha ay hadda gaareen sii hariyaan una diyaar garoobaan fashilimta weerar kasta ay Al Shabaab soo abaabulaan.

WARARKA