Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} nin naag iska dhigi jiray oo Booliiska Puntland soo qabteen

Khamiis 25 July 2024 {HMC} – Ciidamada booliiska maamulka Puntland, gaar ahaan qeybta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu iska dhigi jiray naag, sidoo kale xiran jiray dharka dumarka caanka ku yihiin.

Ninkan booliiska maamulka Puntland maanta soo bandhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Shire, hasa ahaatee ninkan naagta iska dhigayay ayaa magaciisa Axmed u bedelay lana baxay magaca Anisa Cali Shire.

Saraakiisha booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay in ninkan ay qabteen lagu sameyn doono baaritaanno dheeraad ah, waxa ayna xuseen in loo gudbin doono laamaha caddaaladda , si loo marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay.

Xarigga ninkan naagta iska soo dhigay ayaa kusoo aadaya xilli xalay magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin kale oo isna naag iska dhigay , sidoo kale soo sameestay horaadaha dumarka loona heesan jiray in uu dumar yahay.

WARARKA