Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Booliska oo maandooriye kala duwan iyo Hub ku qabtay Muqdisho

Khamiis 25 July 2024 {HMC} –  Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, ayaa fuliyay howlgal ay kusoo qab qabteen hub sharcidarro ah, maandooriyaal nuucyo kala duwan leh iyo qaar kamid ah dadkii ka ganacsanayay.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada oo helay xogta goobahan lagu iibinayay maandooriyaha khamriga, calaqa, xashiish iyo kaniiniyaal ayaa weeraray, waxa ayna halkaasi kusoo qabteen maandooriyaashii lagu iibinayay iyo hubkii lagu ilaalinayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo tagay xarunta saldhigga degmada Cabdicasiis ayaa ammaanay maamulka degmada iyo ciidamada ee fuliyay howlgalka lagu soo qab qabtay maandooriyaasha iyo sidoo kale hubka sharcidarada ah.

Madaale ayaana sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir ay ka socdaan howlgallo lagula dagaallamayo maandooriyaasha, tuugada , ciyaal weerada iyo cid kasta oo falal amni darro abuureysa dhibaatana ku heysa bulshada Soomaaliyeed.

Degmada Cabdicasiis oo kutaalla xeebta Liido ayaa la tilmaamaa in ay tahay meelaha ugu badan ee lagu isticmaalo maandooriyaha, waxaana halkaasi ku yaalla xarumo lagu iibiyo laguna isticmaalo maandooriyaasha qaarkood sida khamriga

WARARKA