Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Cilmi baaris: Geed Soomaaliya ka baxa oo la ogaaday inuu wax ka taro la dagaallanka kansarka

Khamiis 25 July 2024 {HMC} – Cilmi-baarista waxaa sameeyay Jaamacadda Gobolka Georgia iyo Machadka Georgia State’s Perimeter College Georgia ee Mareykanka, Jaamacadda Addis Ababa ee Itoobiya, iyo Xarunta Winship Cancer Center ee Jaamacadda Emory (US).

Tiro ka mid ah dhirta Itoobiya ayaa gacan ka geysan karta la dagaallanka kansarka, cilmi-baaris dhowaan la sameeyay ayaa sidaas soo jeedisay.

Paulos Yohannes, oo ah barafasoor dhanaka cilimiga kimistariga oo ka tirsan Kulliyada Perimeter ee Jaamacadda Gobolka Georgia hormuudna ka ah cilimi-aarista ayaa yiri “Waxaa jira dhir badan oo dawooyin ah oo ay isticmaali jireen dhakhaatiir dhaqameedyadu qarniyo badan.”

“Waqtigan xaadirka ah, daraasadaha hordhaca ah waxay muujiyeen waxqabadyada ka hortagga kansarka ee dhirtan

Waxaa jira laba waji oo muhiim u ah mashruuca, sida uu qabo Professor Binghe Wang oo ka mid cilime baarista.

“Marka hore waa in la qiimeeyo shaqada dhirta aan baarnay, waxaa jira Tijaabooyin dhawr ah oo aan samaynayno si aan u xaqiijino qaab-dhismeedkooda iyo waxtarkooda la dagaalanka unugyada kansarka,” ayuu yiri cilmi-baaraha.

Ilaa hadda, kooxdu waxay falanqeysay in ka badan 30 geed oo ka baxa Itoobiya waxayna ogaadeen in dhowr ka mid ah ay ku firfircoon yihiin unugyada kansarka ku dhaca ilmo galeenka.

Yohannes ayaa sheegay in shaqada ay wadaan Wang iyo kooxdiisa cilmi-baarayaasha iyo arday ay keeneen natiijooyin muhiim ah.

Dhirta waxaa u xil-saaran koox Itoobiyaan ah oo cilmi-baarista ka mid ah. Professor Ermias Dagne, oo hogaaminaya kooxda, ayaa ka shaqeynayay kimistariga dhirta in ka badan 45 sano.

Dhirata oo saafi ama ceyriin ah ayaa waxaa loo diraa Gobolka Joorjiya si loo tijaabiyo waxtarkooda la dagaalanka cudurada.

Tijaabooyinka cytotoxicity waxaa lagu sameeyaa unugyada HeLa (kansarka ilmo-galeenka) si loo go’aamiyo waxtarkooda. Tijaabada noocaan ah habka ugu badan ee baarista waxtarka daawada.

Kooxda cilmi-baaristu waxay baareysaa dhir badan oo uu ka mid yahay geedka loo yaqaano Commiphora sp. Nov, kaas oo ay Soomaalidu u taqaano geedka beeyada waa geed aad uga baxa Itoobiya iyo sidoo kale ka baxa qeybo ka mid ah Soomaaliya. Waa mid ka mid ah tobbannaan geed oo ah dhirta dawooyinka laga sameeyo.

Yohannes ayaa sheegay in afar ka mid ah dhirta baaritaanka lagu sameeyay ay muujiyeen in ay leeyihiin awood wax tar leh oo aan ahayn tan unugyada kansarka ilmo-galeenka, ay sidoo kale wax ka tari karto unugyada kale ee Kansarka. Waxa uu sheegay in cilmi-baarayaashu ay xuseen “dariiqyada dhimashada unugyada kansarka” iyo muunado badan oo kale iyagana weli ku socota baaris.

“Boqolkiiba siddeetan shacabka Itoobiya waxay isticmaalaan dawo dhaqameed si ay isaga daweeyaan xanuunada ku dhaca. Waan ognahay in dhirtani ay leeyihiin qaar ka mid ah qiyamka daawaynta,” Yohannes ayaa yiri. “Waxaa la igu dhiirigelinayaa in cilmi-baaristan ay soo saari doonto natiijooyin aan caadi ahayn oo dhiirigelin doona daraasad ballaaran.”

Geedka Beeyada ee laga gurto fooxa waxa uu caan ku yahay oo uu aad ugu badan yahay gobolka Sanaag iyo gobolka Bari.

Dhirta inteeda badan ayaa waxay manaafacaad u leedahay aadanaha iyo deegaanka.

Waxaana jirta dhir badan oo Soomaaliya iyo geeskuba ka baxda oo dawooyin ama waxyaabaha la isku carfiyo laga sameeyo balse laga yayaabo inaysan dadka badankood aqoon u lahayn. Dhirtaas waxaa ka mid ah geedka malmalka iyo fooxa.

WARARKA