Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Jabuuti oo dhigtay Gogol lagu heshiisiinayo dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa martigelisay Wakiilo ka kala socda dhinacyada ku dagaalamaya Dalka Suudaan & xubno kale oo metalaya Dalal kala duwan si ay goobjoog uga noqdaan wadahadalka xalka nabadeed loogu raadinayo dagaalka ka socda Dalkaas.

Shir soconaya 24ka ilaa 26ka July 2024 ayay Jamhuuriyadda Jabuuti qorsheysay in lagu gorfeeyo dhabbaha lagu gaari karo xalka waara ee lagu soo afjarayo dagaallada aan dhammaadka lahayd ee tan iyo 15kii April sanadkii hore 2023.

Jabuuti ayaa faafisay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dhinacyada dagaalamaya ee is hor fadhiya kuna kala adkaan waayay dagaalka tooska ah si loo daba-qabtana la isugu keenayo gogol ay kuwada hadlayaan si ay xal rasmi ah u gaaraan.

Fursadda ugu weyn ee Jabuuti haysto waa in ay sanadkaan tahay shir-guddoonka Urur Goboleedka IGAD oo xubin rasmi ah ka tahay Jamhuuriyadda Suudaan waana tan ku kaliftay in ay ku dhiirato in ay gogol dib u heshiisiin ah dhigto.

 

WARARKA