Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Weerar Culus oo Mar Kale AS Hub Looga Soo Furtay oo Ka Dhacay Abagbeeday

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa weerar qorsheysan waxa ay subaxdii hore ee saakay ku qaadeen deegaanka Abagbeeday oo ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.

Dagaal xooggan ayaana halkaasi ku dhax maray ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al Shabaab, waxaana ciidanka u suurto gashnay in ay ka adkaadaan kooxda Al Shabaab kana saaraan deegaanka dagaalka saakay ka dhacay.

Ciidanka xoogga dalka ayaa weerarka ay ku qaadeen deegaanka Abagbeeday ku dilay xubn o katirsanaa kooxda Al Shabaab , waxa ay sidoo kale ciidamada la wareegeen hub ay ku jireen qoryaha Dabajeexa loo yaqaan iyo sidoo kale AK-47.

Taliyaha sahanka guutada 9-aad dhamme Aadan Gaabow Isaaq, ayaa warbaahinta u sjeegay in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgalkii maanta fuliyeen, waxa uuna xusay in wali kusii daba jiraan farxadka kooxdii ka carartay deefaanka Abagbeeday.

WARARKA