Arbaco 24 July, 2024 {HMC} Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xariga ka jaray mashaariic kala duwan halka kuwa cusub-na uu dhagax-dhiggay.
MASHAARIICDA DEGMADA AADAN-YABAAL
1. Dugsi Hoose Dhexe
2. Saldhigga Booliska Degmada
3. Garoonka Cayaaraha Degmada
4. Ceel-Biyood
5. Xarunta Maamulka Degmada
6. Nalalka Cadceeda
7. Dugsi Hoose Dhexe (Ceel-dheere)
8. MCH (Ceel-dheere)
9. MCH (Xirka dheere)
10. Dugsi Hoose Dhexe (Ceel-muluq)
11. MCH (Ceel-Muluq)
12. Xarunta Maxkamadda Degmada
13. Suuqa Xoolaha Degmada
14. MCH (Boos Caduur)
15. Dugsi Hoose Dhexe (Boos Caduur)
“Dhammaan adeegyadan waxaad ku hesheen Dowladnimada haddii ay noqon laheyd kuwa aan xariga ka jaray iyo kuwa aan dhagax-dhiggay.”
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Dugsiga Hoose Dhexe, Garoonka Cayaaraha, Saldhigga Booliska Degmada, Xarunta Maxkamadda iyo Nalalka cadceeda ku shaqeeyo.
Bulshada degmada Aadan-Yabaal ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle uga mahadceliyay dadaalka uu gelinayo Dowlad-dhiska iyo barnaamijka xasilinta.
DHAMMAAD