Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Xoogga oo soo bandhigay hub.

Arbaco 24 July 2024 {HMC} Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howgallo qorsheysan ka fuliyeen degaanno dhaca Gobolka bakool.

Hawlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9aad ee qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, waxaana saraakiisha Ciidanka ay sheegeen in howlgalkaasi lagu dilay 9 kamid ah dagaalamaayasha AS.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu soo furtey 3 Qori oo Ak47 ah iyo hal BKM kadib howlgalka ka dhacay deegaanka Abag-Beeddey oo 20km dhanka Bari kaga beegan magaalada Xuddur ee xarunta G/bakool.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howgallo qorsheysan ka waday Gobolada dalka, waxaan dhawaan howlgal ka dhacay Jubbada Hoose khasaare xooggan lagu gaarsiiyay AS.

WARARKA