Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shacabka Puntland oo saaka udareyay doorasho qof iyo cod ah.

Talaaddo 23 July 2024 {HMC} Dadweynaha Degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa saaka u dareerey doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland, iyada oo ay codaynayaan dad ka badan 64K oo qof ka codaynayaan 80 goobood oo saddexdaas degmo ah.

Waxa doorashadan ku tartamaya 8 xisbi oo ay u sharraxan yihiin 431 musharrax oo ku tartamaya 81 kursi.

Saddexdan degmo ayaa noqonaya kuwii u danbeeyey ee Puntland ay ka qabanayso doorasho qof iyo cod, iyada oo sannad ka hor ay ka wada qabatay in ka badan soddon degmo.

WARARKA