Talaaddo 23 July 2024 {HMC}– Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye ka tirsan ciidamada Xamaas ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto.
Milateriga ayaa sheegay in Ashraf Nafeh lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Tulkarm.
Saraakiisha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sheegay in uu ka mid ahaa 7 falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka geysatay Daanta Galbeed.
Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qof dumar ah ay ku jirtay dadka la dilay.
In ka badan shan boqol oo falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan kuwo hubeysan ayaa lagu dilay Daanta Galbeed kadib rabshado kor u kacay tan iyo weerarkii ay Xamaas hormuudka ka ahayd ee Israa’iil ku qaaday bishii Oktoobar ee sannadkii hore.