Talaaddo 23 July 2024 {HMC}– Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho waxaa xalay laga xusay 26-ka Juun oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareegtey markii gobolladii la oran jiray waqooyiga Soomaaliya oo hadda ah jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka xoroobeen gumaystihii Ingriiska afar maalmood uun ka hor midawgii koonfur iyo waqooyi.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxaa ay siyaabo iska soo horjeeda uga hadleen heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay ‘xad-gudubka’ dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxa uuna sheegay in “heshiiska aan sharciga ahayn ee dhex-maray Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya” uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya