Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxdii hore ee dalka oo cambaaraysay xariga wariye Alinuur Salaad.

Talaaddo 23 July 2024 {HMC} Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa xalay xabsiga dhigay wariye Calinuur Salaad oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kaddib markii ay booliiska ku eedeeyeen wariyaha falal la xariira anshaxdarro iyo faafinta warar been abuur ah.

Xarigga wariye Calinuur Salaad oo u muuqda mid siyaasadeed sidoo kale lagu cabsi gelinayo wariyaasha iyo warbaahinta madaxabannaan, waxaa si kulul u cambaareeyay madax hore oo dalka xilal kala duwan oo kuwa ugu sarreeya kasoo qabtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaana si adag u cambaareeyay xarigga wariyaha, waxa uuna sheegay in nidaamka dalka hadda ka jira ay ka go’an tahay aamusinta wariyaasha iyo warbaahinta madaxabannaan.

”Xariggaan wuxuu caddeynayaa sida nidaamka hadda jira ee uga go’an tahay in la aamusiiyo warbaahinta madaxa bannaan, lana cabsi geliyo suxufiyiinta si ay dadka looga daboolo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka dhacaaya sida musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda dowladda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isna cambaareeyay xarigga sharcidarada ah ee loo geestay wariye Calinuur Salaad, waxa uuna sheegay in tallaabada xarigga wariyaha uu yahay isku day lagu aamusinayo laguna caburinayo saxaafadda madaxabannaan.

”Waxaan cod dheer ku cambaareynayaa xarigga sharcidarrada ah ee lagula kacay wariye Cali-Nuur Salaad Xasan. Xarigga Cali-Nuur waa isku-day lagu caburinayo saxaafadda madaxabannaan, laguna aamusinayo runta, xaqiiqada, iyo dareenka muwaadinka xorta ah” ayuu isna yiri Xasan Kheyre.

Madaxdan dalka xilalka sare kasoo qabtay ayaana ugu baaqay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in xurriyadisa siiyaan wariyaha la xiray, sidoo kale dowladda ka waantowdo falalka foosha xun ee warbaahinta lagu caburinayo laguna aamusinayo

WARARKA