Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay hubkii laga furtay kooxda AS.

Talaaddo 23 July 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hubkii ugu badnaa oo laga furtay kooxda AS.

Hubkan ayey dowladda sheegtay in laga qabsaday dagaal-yahaanno ka tirsanaa kooxda oo lagu laayay deegaanada Buulo-xaaji, Harboole iyo Biibi ee gobolka Jubbada Hoose.

“In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu xasuuqay weerarkii naflacaariga ahaa ee ay ku soo qaadeen fariisamada ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in nolosha lagu qabtay qaar kamid ah dagaal-yahaannadii weerarka soo qaaday, kuwaasi oo hadda gacanta ku hayaan ciidanka xoogga oo u gudbin doona hay’addaha ku shaqada leh.

Howl-galkaas ayaa sidoo kale lagu furtay hub aad u badan, ayada oo warbaahinta qaranka soo bandhigtay sawirada hubka laga qabsaday kooxda, kaasi oo aad u tira badan, iskuguna jira noocyo kala duwan.

Deegaanada lagu dagaalamay oo ku yaal Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howl-gallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi.

WARARKA