Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Doorashada kursiga HOP#18 oo lagu Qabtay Dhuusamareeb

Talaaddo 23 July 2024 {HMC}– Doorashada kursiga HOP#18 ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala baxay, kaas oo doorashadiisa ka qabsoomtay magaalada Dhuusamareeb.

Kursigan oo horey u banaana ayaa doorashadiisa waxaa kusoo baxay General Bashiir Maxamed Jaamac, iyadoo loo doortay mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Keenadiid ayaa waxaa kursigan kula tartameysay Najax Axmed Maxamed, iyada la fahamsan yahay in kursiga loo xiray Bashiir Goobe. Generalka ayaa cod gacan taag ah ku guuleystay kadib markii Najax ay tanaasushay.

Generaal Bashiir ayaa hadda ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza, isaggoo ku magacaaban yahay wasiiru-dowlaha wasaaradda howlaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb ayaa waxaa horay iska casishay Xildhibaan Sahro Colaad Cabdi.

Kursigan HOP#18 ayaa ka mid ahaa kuraasta ka banaanaa golaha shacabka, waxaana ugu dambeyn ay doorashadiisu maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

WARARKA