Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo Heshiis hordhac ah lagaga gaaray Beelo ku dagaalamay.

Talaaddo 23 July 2024 {HMC} Waxaa heshiis hordhac ah laga gaaray xal u helista Dagaal-beeleedka ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka kaddib markii kulan la isugu keenay Odoyaasha Dhaqanka Maleeshiyaadka dagaalamay.

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo ku baxay xal u helista arrintaan ayaa sheegay in is afgaradkooda uu ififaale wanaagsan u yahay in guud ahaan lasoo afjaro sababta dagaalka dhalisay.

Cabdulqaadir Xuseen Uurdoox waxa uu kamid ah Xildhibaannada ku sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaana uu sheegay in beelaha Walaalaha ah ay isku fahmeen madaxdooda dhaqanka in si hoose loo xaliyo dagaalkii dhexmaray.

Xildhibaan Uurdoox ayaa intaas ku daray dhowaan la qabanayo Shirweyne xal looga gaarayo wixii dhacay si Bulshada ka maqan gogosha ay u ogaadaan dhabbaha dhanka nabadda ah ee la isla wada qaatay in la aado si aanay dhib kale u dhicin.

WARARKA