Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dad badan oo ku dhintay dhul go’ ka dhacay Itoobbiya

Talaaddo 23 July 2024 {HMC} Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay koonfurta Itoobiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Laba dhacdo ayaa loo malaynayaa inay dhaceen fiidnimadii Axadda iyo subaxnimadii Isniinta, ka dib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dhulka buuraleyda ah ee aagga Gofa.

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in baadigoobka dadka badbaaday uu “si xawli ah u socdo” balse “dhimashada ayaa weli sii kordhi karta”.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinayay boqolaal qof oo isugu soo baxay goobaha wax ka dhaceen iyo qaar kale oo qodaya dhooqada iyo ciidda iyagoo raadinaya dad ku hoos jira.

Gofa waa qayb ka mid ah gobolka loo yaqaan Koonfurta Itoobiya, waxayna ku taal qiyaastii 320km (199 mayl) koonfur-galbeed ee caasimadda, Addis Ababa.

Koonfurta Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha ay sida gaarka ah ugu dhufteen roobabkaas mahiigaanka ahi, iyaga oo fatahaado halkaa ka socdeen bilihii la soo dhaafay, sida uu sheegay xafiiska isku xidhka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (Ocha).

WARARKA