Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay JUBADDA HOOSE.

Isniin 22 July 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray dagaalkii maanta lagu jebiyey kooxda AS ayaa dhambaal u diray ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland.

Madaxweynaha ugu horeyn ku bogaadiyey sida nafhornimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida ay u wajaheen kooxda AS ee soo weerartay deegannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland ugu hambalyeeyey guushan taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka soo hooyeen dagaalka AS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxda AS.

“Maanta jabka weyn ee khawaarijta lagu gaarsiiyey deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole ee Jubbaland waa calaamad muujinaysa in gabbalkoodu uu dhacay, geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeedna ay awood u leeyihiin in ay ka xoreeyaan deegaan kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in wadashaqeynta ciidamada iyo bulshada ay aasaas u tahay xaqiijinta amniga iyo ka hortagga dhagarta argagixisada, sidaas awgeed waxa uu adkeeyey in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

In ka badan 100 ka tirsan kooxda AS ah ayaa saakay lagu dilay dagaal ay kooxdu ku qaaday deegaano dhowaan laga qabsaday oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, khasaaraha gaaray ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa aad u yaraa markii la eego qasaarihii gaaray kooxda sidoo kale waxaa laga qabtay maxaabiis nool iyo hub tiro beel ah.

WARARKA