Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xamse cabdi bare oo farriin u diray Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland

Isniin 22 July 2024 {HMC}Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo saaka ka hortagay weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in weerarka saaka waabariga ay ku soo qaadeen deegaannada Buulo-Xaaji, Harboole iyo Miido ee gobolka Jubbada hoose, ay muujinayso sida ay Ciidamada uga adkaadeen Al- Shabaab. Waa sida uu hadalka u dhigay.

Waaiirka koowaad ee Xukuumadda oo fariin ku faafiyey bartiisa Facebook ayaa bogaadiyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta, Saanaddii iyo Hubkii ee ay ka furteen Al-Shabaab.

Fariinta Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku soo aadeyso xilli ay maanta Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uu dagaal ku dhexmaray Al-Shabaab deegaanno ka tirsan Jubbada

WARARKA