Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Bogaadiyay Ciidanka Maanta As Kula Dagaalay Jubbaland

Isniin 22 July 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen isku daygii saakay ee kooxda Al Shabaab.

“Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan reer Jubbaland waxaan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka soo hoyeen deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole,” ayuu yiri wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa tilmaamay fashilinta dhagarta Al Shabaab aya aasaas u ahayd wadashaqeynta ciidamada iyo dadka deegaanka, isaga oo ku adkeeyey in dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

“Maanta casharka loogu dhigay argagixisada deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole waxay caddayn u tahay waayaha mugdiga ah ee u bilowday argagixisada, jabkii maanta gaaray wuxuu muujinayaa awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku.

WARARKA