Isniin 22 July 2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gelinki danbe ee Axaddii shalay ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada madaxtinimada Mareykanka, isaga oo ku taageeray madaxweyne ku xigeenkiisa Kamala Harris in ay noqoto murashaxa xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada bisha November.
Warbixintan waxaa diyaarisay wariyaha VOA-da ee Aqalka Cad Patsy Widakuswara, waxaa soo tarjamay Nur Hassan Nur.
Kaddib muddo todobaadyo oo uu ka meer-meerayay su’aalo la xiriiray awooddiisa jireed iyo midda maskaxeed ee uu mar kale ku hoggaamin karo shacabka Mareykanka, ayuu ugu danbeyntii madaxweyne Joe Biden Axaddii ku dhawaaqay inuu soo gaba gabeeyay ololihiisii dib u doorashada xilka madaxtinimada bisha November ee sannadkaan.
“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkaana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajibaadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” ayuu Biden ku yiri bayaan uu soo saaray.
Biden wuxuu u mahadceliyay madaxweyne ku xigeenkiisa marwo Kamala Harris, oo uu ku sheegay shakhsi aanan caadi aheyn oo si wanaagsan ula shaqeysay.
Qoraal kale oo uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu Biden ku sheegay in uu si buuxda u taageersanyahay Harris una ayidayo musharraxnimadeeda xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada.
Elaine Kamarck oo ka tirsan machadka Brookings, waa qoraaga buugga “Sida Maraykanku u magacaabo musharraxiinta madaxweynenimada”. VOA-da ayay kula hadashay khadka Skype.
Waxay tiri: “Siyaasad ahaan, waxay noqon doontaa mid macno leh, sababtoo ah wufuuddan waxay taageersan yihiin Joe Biden, hubaal way maqli doonaan isaga. Laakiin si toos ah Harris ama cid kale uguma wareejin karo ergooyinka.”
Ku dhawaad dhammaan 3,896-ka ergo ee bisha soo socota ku kulmaya Shirweynaha Qaran ee Xisbiga Dimoqraadiga oo ka dhacaya magaalada Chicago ee gobolka Illinois, ayaa horay u ballan qaaday in ay u codeyn doonaan Biden xilligii uu ku jiray is-reeb-reebki doorashada musharraxiinta dimoqraadiga. Laakin sida uu qabo xeerka Xisbiga Dimoqraadiga, ballan-qaadkaasi waa la baddali karaa.
Baaqyo ku aadanaa in uu Biden ka tanaazulo xilka murashaxnimada ayaa aad u sii xoogeysanayay maalmihi dhawaa. Dadka baaqa dirayay ayaa waxaa ku jiray xildhibaanno dimoqraadi ah.
58 boqolkiiba Dimuqraadiyiinta ayaa qaba in madaxweyne ku xigeenka Harris ay noqon karto madaxweyne wanaagsan, marka la eego ra’yi ururin cusub oo ay wada sameeyeen wakaaladda AP iyo Machadka Daaraadka Jaamacadda Chicago ee loo soo gaabiyo NORC.
Boqolkiiba 30 dadka Maraykanku ayaa iyaguna rumeysan in Harris ay madaxweyne wanaagsan noqon karto.
Haddii dimoqraadiyiintu go’aansadaan in Harris ay noqoto murashaxooda ugu danbeeya ee tartanka, waxaa sidoo kale looga fadhiyaa in ay soo xushaan qofka noqon doona madaxweyne ku xigeenka, haddiiba ay guuleysato.
Madaxweyne Biden wuxuu Axaddii sheegay, in uu shacabka Mareykanka la hadli doono todobaadkaan, si uu u bixiyo faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan ka haristiisa dib u doorashada.
Donald Trump, isaga si rasmi ah ayaa Khamiistii loogu caleema saaray murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee tartanka doorashada madaxtinimada ee November.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu ku yiri: “Joe Biden-ka qallooca uma qalmin inuu tartamo, dhab ahaantiinna kuma habboona inuuba shacabka u adeego hadda.”
Si kastaba, go’aanka ugu danbeeya ee Dimqoraadiyiinta ayaa kasoo bixi doona Shirweynaha Qaran ee ay Chicago ku yeelan doonaan bisha soo socota.