Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo kasoo gudbay Xadka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa maanta ka soo gudbay Xadka Gobolka Hiiraan oo la Wadaago dowlad deegaanka Soomaalida. gaar ahaan waxaa ay ka so gudbeen Degmada Feerfeer Soomaaliya.

Dadka ku nool Degmada Feerfeer Soomaaliya ayaa Hiiraanweyn u sheegay in Ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah oo wato Gaadiid Dagaal ay ka soo talaabeeyn Xadka degmada Feerfeer Soomaaliya.

Sidoo kale dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidamadan ay wataan Gaadiid Dagaal oo farabadan iyo gaadiid Xamuul ah oo Daboolan kaasi oo ay sheegeyn in ay u maleeynayaan in Hub farabadan ay Saaran yahiin.

Ciidamada ayaa markii soo gaareeyn Dagmada Jawiil waxaa ay u leexdeeyn dhinaca Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyaga oo Caawa Saldhig ka sameeystay Deegaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dadka ku nool deegaanada hoos-taga degmada Matabaan ayaa sheegay in Ciidamadan ay ku Wargaliyeen in aysan jirin Culeeys gaar ah. Madaxda Gobolka Hiiraaana ay la kulmeeyn iyagoona u sheegay in ay si gaar ah ugu socdaa Dagmpooyinka Maxaas iyo Halgan oo ay ka joogaan Ciidamo

Ciidamadan soo gudbay ayaa lagu sheegay in ay ka badan yahiin Shan Kun oo Askari oo Itoobiyaan ah. Waxaana dadka deegaanka ay Sheekeyn In ay dareemayaan cabsi Amni ee la Xariirto ciidamadan faraha badan ee manta Soo gudbay.

19 Bishii June 2024 ayey Aheed Markii Sidaan oo kale Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeeyn Xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida. Xiligaas oo ay dhibaato u geysteen dad shacab ah oo ku sugaan inta u dhaxeeyso Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

WARARKA