Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Booliska oo caawa wariye Calinuur Salaad ku xiray magaalada muqdisho,maxaa loo haystaa?

Isniin 22 July 2024 {HMC} Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, gaar ahaan saldhigga degmada Waaberi ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan 38 jir ah, kuna eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo

aflagaado Ciidammada Qalanka sida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud.

Calinuur Salaad ayaa soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, xilligii Xasan Cali Kheyre, sidoo kale hadda wuxuu ka shaqeeyaa wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska. Waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Calinuur Salaad ayaa shalay bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu ku yiri, “Goobaha ay joogaan ciidamada qaranka waxaa lagu iibiyaa Qaad ama Jaad, ciidankuna waxay ku bedeshaan lacagta mushaarka loo siiyo iyo mararka qaar hubkooda.”

Booliska Soomaaliya eedeymaha ay u soo jeediyeen Calinuur Salaad waxaa ku jirtay inuu “faafiyey anshax-xumo” balse Caasimada Online ma arkin halka uu ku faafiyey anshax xumada boolisku sheegay.

Booliska ayaa muddooyinkii dambe baacsanayey dadka baraha bulshada ku faafiya anshax-xumada, balse hadda waxay ku soo dareen Calinuur Salaad oo ku dhaliilay qaadka oo marar badan la sheegay inuu halis ku yahay ciidanka.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in Calinuur baaris kadib lasoo taagi doono maxkamad, taas oo ka dhigay inay doonayaan in sharciga lagu kala baxayo, isla markaana direysa farriin hanjabaad culus ah.

Muqdisho waxaa ka socota maxkamadeynta dadkii horay boolisku soo qabtay, kuwaas oo gabdho TikTok caan ah u badan, waxaana dacwadooda lasoo gabagabeynayaa oo xukun rasmi ah laga soo saarayaa maalmaha soo socda.

WARARKA