Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dooday hubka sharci darada wadanka soo gala

Isniin 22 July 2024 {HMC} Xildhibanada ayaa min toban daqiiqo ka hadlayay ajandaha doodda oo ku saabsaneyd arrinta hubka. Sidoo kale xildhibaanada waxay ka hadleen in la cadeeyo cidda hubka laheyd.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, oo ka mid ahaa xildhibanada ka hadlay doodda ayaa sheegay in dalka meel kasta ay hub ka soo galaan.

“hubka wadankan meel katsa waa ka soo galaa, xeebaha ayuu ka soo galaa, cid kasta ayaa haysata, maanta wax laysku eedeeyo ama qof lagu eedeeyo ma ahan”

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda ay la socotay hubkaas inta uusan dalka soo gelin kaddibna ay ka hortagtay.

“dowladda waa maqashay markay, maqashayna hubkaas waa ka hortagtay”

Xildhibaan Cabdinuur ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga warsugo guddiyada amniga waxay ka soo saaraan.

“guddi amni ayaa jira oo aan ka mid ahay, guddiga baarlamaan oo guddoomiyaha magacaabay ayaa jira, wasiirka amniga iyo guddi kale ayaa jira iyaga aan ka warsugno cidda iska leh iyo hubkaas sida uu u yimid”

Xildhibaan Cabdinuur ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la siyaasadeedayo maadama uu xadaka dalka dheer yahay oo aysan jirin cid ilaalisa. Doodda hubka ee barlamaanka ayaa soo gabogaboobin maanta

WARARKA