Axad 21 July 2024 {HMC} — Maamulka Masjidka Cali Jimcaale ee kuyaalla magaalada Muqdisho, ayaa si adag u beeniyay in Imaamyada masjidka iyo sidoo kale macalimiinta wax ku bara ardayda kamid yahay wadaad lagu magacaabo Ibraahim Ciyow oo maanta abuuray dood caro dhalisay.
Ibraahim Ciyow ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ugu gefey Sheekh Cismaan Xiddig oo shalay lagu aasay magaalada Muqdisho uu ku geeriyooday, ahaana caalim weyn, waxa uu sidoo kale wax ka sheegay kutubo uu qoray Sheekh Xiddig.
“Nacam wuu allifay kutub lkn ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay ?? kulligood ama badankood wuxuu ku difaacayaa inta aan suufiyo isku haynayba oo mayd la baryo oo tawasul loo bixiyo iyo qubuuro laysku jiid jiido oo la baryo oo tabaruk uu ubixiyay iyo shirkiyaatkoodii iyo khuraafadoodii un , mana lahan nafci ee kutub baadi iyo shirki iyo khuraafo buu ka tagay , ilaaheey baana yaqaan sida uu yeelayo oo iiga naxariis badan” ayuu yiri Ibrahim Ciyow.
Qoraalkan kaddib maamulka Masjidka Cali Jimcaale ayaa waxa ay caddeeyeen in wadaadkan carada badan abuuray uusan katirsaneyn imaamyada iyo macalimiinta masjidka, waxa ay sidoo kale sheegay in waxii uu sheego ay yihiin wax isaga u gaar ah.
”Maamulka Masjidka Cali Jimcaale wuxuu cadeynayaa in uusan Ibraahim Ciyow kamid ahayn maamulka, Imaamyada rasmiga ah iyo Macallimiinta masjidkaba, Masjidkuna masuul kama aha fikirka qof gaar ah oo aan masjidka shaqo ku lahayn, Wuxuu maamulka masjidku ku baaqayaa in la hubsado waxa la baahinayo loogana baqo Allaah” ayaa lagu yiri qoraalka Masjidka.
Baraha bulshada ayaa waxaa ka taagan hadal heyn badan iyo caro uu abuuray qoraalka uu wadaadkan lagu magacaabo Ibrahim Ciyow soo dhigay, dad badan ayaana ugu baaqayay dowladad Soomaaliya in ay soo xirto ninkan.