Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH: Dil ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa Gudaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Goordhow Lagu dilay allaha u naraxiistee Cabdi Maxamuud Siyaad oo Cabdi Xoog loo yaqiinay  kaasi  oo kamid ahaa Dadka ku nool degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dilka Cabdi Waxaa geeystay Xaaskiisa Aabaheed oo Lagu Magacaabo Maxamed Xuseen Afweeyne Sida ay dadka Deegaaanka u sheegeen Warbaahinta Hiiraanweyn.

dadka ku nool degmada Maxaas ayaa si weyn arintan uga arga-gaxay, waxaana ninkan lagu dilay Ceelka degmada Maxaas.

Allaha u naxariistee Marxuun Cabdi Maxamuud ayaa ahaa Nin Deegaanka si weyn looga yaqaano waxaana uu ku shaqeeysan jiray Gaari NOOHA ah

WARARKA