Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Hay,adda Sodma oo Booqatay Magaalo Horay Shabaab U Go,doomiyeen

Axad 21 July 2024 {HMC} — Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, taas oo go’doomisay kooxda Al-Shabaab.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah wasiirka wasaaradda gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha gargaarka sida IOM, WFP, UNHC, OCHA iyo UNICEF.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa kormeer ku tagay xarumaha ay degan yihiin dadka barakacyaasha ah ee is-beddelka cimilada saameynta ka soo gaartay iyo kuwo Al-Shabaab kasoo barakicisay degmooyinka Tiyeeklow iyo Rabdhuure, kuwaas oo haatan xaalad aad u adag wajahaya.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa u kuur-galay xaaladaha dhabta ah ee ka jira kaamamkaan, iyagoo mid mid u xogwareeystay dadka, waxaana ay goob fagaaro ah gargaar ugu qeybiyeen in ka badan 600 oo qoys.

Ugu danbeyn guddoomiyaha ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo dhexmaray SODMA, waasaaradda gargaarka Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Bakool iyo hay’adaha gargaarka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii gargaar deg-deg ah oo ballaaran loo gaarsiin la ahaa shacabka ku tabaalaysan gudaha Xudur, degmooyinka iyo deegaanada kale ee gobolka Bakool.

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay weli go’doon ugu jirtaa kooxda Al-Shabaab, iyadoo gadiidka kaliya ee xilligaan lagu tagi karo magaaladaasi uu yahay diyaaradaha.

WARARKA