Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Darawalkii Labaad oo Maanta Lagu Dilay Gobolka Hiiraan.

Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo Baxeeyso Darawal Gaari Xamuul ah oo Lagu dilay Isbaaro taalay deegaanka Laan-saban oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,

Allaha u naxariistee wadaha gaarii ee la dilay ayaa Lagu magacaabi Jiray Cali Maxamed Xiroow waxaana uu kamid ahaa Wadayaasha Gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhaxe ee Soomaaliya,waxaana manta dilay Maleeshiyo Hubeeysan oo isbaarada ama jid gooyo sharci daro ah u tiilay sida ay Hiiraanweyn u sheegeen dad goobjooga yaal ah.

Si rasmi ah looma oga waxa sababay dilka wadaha gaari balse rasaas ay ku fureen ayaa waxaa ka so gaaray dhawac culus oo uu markii danbe u geeriyooday.

48-Saac Gudahahood waa Darawalkii Labaad oo isbaaro Gobolka Hiiraan taalo lagu dilo. Shalay ayey aheeyd Markii deegaanka Suuleey oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Lagu dilay Darawalka Labaad.

Isbaarada iyo dhaca dadweynaha ayaa is weyn ugu baaahay guud ahaan Gobolka Hiiraan waxaana dadka ay muujinayaan in heerka Amni Xumo ay taagan tahay halkii ugu sareeysay.

WARARKA