Gabadha uu dhalay boqorka magaalada Dubai ayaa ku dhawaaqday inay ninkeeda furayso iyada oo u sii marinaysa baraha bulshada.
Farriin ay soo dhigtay barta Instagram-ka ee la xaqiijiyay ee Sheikha Mahra bint Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa sheegtay inay soo afjareyso guurkeeda, iyadoo qortay: “Waxaan ku dhawaaqayaa furitaankeena.” Xiriiro Lala Sameeyaay mas’uuliyiinta dalkaasi si ay arrintan u caddeeyaan Ayeeysan Ka Jawaabin
Ilaa hadda, ma jiro war ka soo baxay seyga Mahra ama qoyska boqortooyada.
Fariintan oo ku bilaabatay oraahda “Ninkayga qaaliga ah” ayaa ku soo idlaatay ereyadan – “Waan ku furay, waan ku furay, waana ku furay”, sida muuqata iyadoo la adeegsanayo nidaamka Islaamka ee loo yaqaanno saddex-talaq.
Dhammaan sawirada ninkeeda ayay ka saartay baraheeda bulshada.
Lamaanahan ayaa bishii April ee sanadkii 2023-ka isku guursaday xaflad aad u qiimo badan, waxaana ubadkoodii ugu horeeyay uu dhashay labo bilood ka hor.