Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Faah Faahin:.Qarax ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Arbaco 17 July 2024 {HMC} – Qarax Miino ayaa ka dhacay Maqaayad ku taalla Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne kaasi oo Sababay Khasaare iskugu jiro Dhimasho iyo dhawac.
Inta la xaqiijiyay 2 Ruux oo Mid uu shacab yahay halka Midka kalena uu yahay Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa ku dhintay Qaraxa Miino, Sidoo kale waxaa ku dhawacmay Haweeneydii Maqaayada laheyd.
Qaraxa Markii uu dhacay Kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaas oo xiray wadooyinka iyaga oo Baaritaan halkaasi ka bilaabay. Ciidmaada ayaa goobta ka qaaday dadka ku dhintay qaraxa Miino.
Saraakiisha Ciidmaada Dowlada oo Hiiraan la hadlay ayaa sheegay in Khasaaraha uu kooban yahay, isla markaana ay wadaan Baaritaano kala duwan.

WARARKA