spot_imgspot_imgspot_img

shir wadatashi ah oo Muqdisho Ugu Furmay Hay,addo aay Ka Mid Tahay Sodma

Arbaco 17 July 2024 {HMC} – Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Aaden ayaa maanta daah-furay shir wadatashi ah oo ku saabsan nashqadeynta u nuglaashaha fatahaadda ee degmooyinka dalka.

U jeedka shirka ayaa ah in la soo bandhigo warbixin lagu ogaaday daraasada ugu dambaysay ee lagu sameeyay nashqadeeynta u nuglaashaha fatahaadda ee degmooyinka dalka, sidoo kale, waxaa looga wada-hadlay natiijooyinka muhiim ka ah ee laga sameeyay daraasaddaas oo lagu ogaaday caqabadaha ku gudban in si dhab ah looga hortago xaaladda sida khataraha fatahaadda.

Shirkan wadatashiga ah waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waaxda Yareeynta Khataraha Masiibooyinka, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeeyb galay hay’addaha kala ah WFP, UNDP, FAO, Save the Children, world vision iyo Saraakiil ka socday hay’adda SoDMA.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in wadatashigan yahay mid muhiim ah oo Hay’adda SoDMA ku bixisay dadaal dheeraad ah si kor loogu qaado u-diyaargarowga khataraha fatahaadda iyo in la helo farsamooyinka lagu dabaqi karo maaraynta khatarha fatahaadda.

WARARKA