Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

muuxuu yahay hadalka dadka badan aay layaabeen uu shaaciyey Ninka ugu taajirsan Afrika?

Talaado 16 July 2024 {HMC} Dad badan ayey layaab ku noqotay hadal uu sheegay ninka ugu taajirsan qaarada Afrika Aliko Dangote, kaddib markii uu ninkan shaaciyay in kaliya labo guri kaliya uu leeyahay, kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Kanu iyo Lagos ee dalka Nageria.

Aliko Dangote, ayaa sheegay in kaliya gudaha dalkiisa iyo guud ahaan caalamka uu ku leeyahay labada guri uu ku yaalla magaalada uu ku dhashay ee Kano iyo Lagos, waxa uuna xusay marka uu tago caasimadda Nageria in uu dego guri kiro ah.

Ninkan oo lagu tilmaamay in uu yahay kan ugu lacagta badan qaarada Afrika ayaa dad badan filayeen in qasriyo waa weyn ku leeyahay gudaha dalkiisa iyo waddamo kale ee caalamka, hasa ahaatee dad badan ayaa aad ula yaabay hadalkan uu hadda shaaciyay.

Maalqabeennada u dhashay dalka Nageria ayaa caan ku ah in guryo waa weyn ka dhistaan magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyo sidoo kale magaalooyinka London Dubai, Atlanta iyo dalal kale oo caalamka daafihiisa kuyaalla.

WARARKA