Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo Sheegtay Hubkii Shalay Shacabka Gacanta Ugalay uu aha Hub sharci Dara Ku soo Galay Dalka

Talaado 16 July 2024 {HMC}  War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa looga hadlay hubkii shalay maleeshiyaad iyo dadka deegaanka ku furteen kuna boobeen deegaan dhaca duleedka degmada Caabdudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ee DFS gacanta ku dhigeen hub sharcidarro ah oo dalka laga soo galinayay dhinaca Itoobiya, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in hubkaasi uu ahaa mid la doonayay in si sharcidarro ah looga ganacsado.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in hubka laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen ay jidgooyo kala kulmeen maleeshiyaad hubaysan, taas oo sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaasi jidgooyada dhigtay.

Warka ayaa intaa lagu daray in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen maleeshiyaadkaas wadada u galay ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

WARARKA