Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo Dil Toogasho ah lagu Fuliyay.

Talaado 16 July 2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xili ay qeyb ka ahaayeen waxa Khawaarijta ay ugu yeeraan madax jabiska

 

Gacan kudhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Abukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xassan oo iyaguna si wadajira u fuliyay dilkii ANU Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab saaka la tooktay gacan ku dhiiglaha shanaad ayaa ahaa Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo haray Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay kaas oo magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda ka gaystay qaraxyo iyo dilal qorsheysan

 

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay dambiilayaashii saaka la tooktay

WARARKA