spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Booqday Shacab La Kulmay Dhacdo Amni Xumo Ah

Talaado 16 July 2024 {HMC}  Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka jawaabayo cabashada shacabka ayaa booqday guri kamida xaafada kooshin ee magaalada beledweyne oo aay 12-kii bishaan aay ka dhacday shaqaaqo sababtay gacan ka hadal isagoo warbixino ka dhageeystay Bulshadii Xaafadda kooshin ee Degmadda Beledweyne midaas oo laga gaaray xal rasmi Si loo helo bulsho iyo maamul isku xiran.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa shacabka iyo Haween’kii dhacdadu sameeysay la kulmay isagoo Dhageeystay dhibka iyo sida aay wax u dhaceen isagoo u muujiyey dareen’kiisa in Maamulka Gobalka Hiiraan aay ka xunyahiin falkaas una taagan yahay Ilaalinta xasiloonida shacabkiisa isagoo faray Laamaha amniga in guud ahaan xaafadaha magaalada Beledweyne in la ilaaliyo amnigooda lagana hortago burcadda shacabka dhaceeyso ayadoo laga duulayo cabashadda shacabka.

Bulshadii uu la kulmay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa kaga mahadceliyay dareenkiisa Damqashada leh ayagoo xusay ineey la shaqeeynayaan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay’addaha amniga si looga hortago wax kasto oo keenayo xasilooni daro loona helo meel aay shacabka ku soo gudbiyaan cabashadooda si looga Jawaabo dareen-ka shacabka aay la kulmaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu xaqiijinayaa isagoo dhageeysanayo dareenka shacabka in lahelo amniga aay u baahan yahiin shacabka magaalada Beledweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan.

WARARKA