Isniin 15 July 2024 {HMC} Booliska Soomaaliya ayaa sheegay, in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen 20 kalana ku dhaawacmeen qarax caawa fiidkii ka dhacay bannaanka maqaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay baabuur ay ku jiraan waxyaabaha qarxa oo la dhigay maqaayadda agteeda.
Maqaayadda oo ku taalla meel u dhow xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa waxaa xilligaasi ku sugnaa dhalinyaro badan oo daawanay ciyaarti finalka Koobka Qaramada Yurub, sida ay VOA-da u xaqiijiyeen ilo dhinaca amniga ah.
Mas’uuliyiinta dawladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay. Ma jirto wali cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.
Labadi sano ee lasoo dhaafay waxaa aad u yaraa qaraxyada ka dhacayay magaalada Muqdisho, arrintaas oo ay shacabka ku tilmaameen horumar dhanka amniga ah, hase yeeshee khubarrada amniga ayaa sheegaya in qaraxani uu tusaale u noqon karo in wali ay jirto khatar xagga amniga ah oo ka taagan caasimadda Soomaaliya.