Isniin 15 July 2024 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Galgaduud ayaa galabta AS ku qaaday weerar culus oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Cawsweyne iyo Mesegawaay, waxaana dhacay dagaalkii ugu cuslaa.
Muuqaal ay soo duubeen askarta dagaalka ku jirtay ayaa muujinaya in gacanta la isula tegay oo dagaal la isku riiqmay uu ka dhacay goobta, waxaana goobihii lagu dagaalamay la wareegay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi oo la hadlay TV-ga dowladda ayaa sheegay in tirada AS-ka lagu dilay dagaalkii galabta uu kor u dhaafayo 50 xubnood.
Taliyaha ayaa sheegay inay ka war-heleen in AS ay isku uruursanayaan dhulka howdka ah ee bariga gobolka Galgaduud, isla markaana ay ku waadeen weerar culus.
“Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ka mid ah Horjooge Xuseen Cali oo ahaa nin caanka ah oo hoggaamiya jabhadaha, shartiisa maanta ayaan soo afjarnay, sidoo kale Horjooge Ayman oo ka mid ahaa dhagarqabayaasha dadka dhibay ayaa dhaawac culus ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.
AS oo galabta lagu jebiyey dagaalkii dhacay ayaa la sheegay inay u firxadeen dhanka deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud.
Waxaa aad u yaraa khasaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, markii la eego kan gaaray AS oo halkaas uga cararay meydad tiro beel ah.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal maalintii labaad ka socda deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in maanta lagu guuleystay in Shabaab dhanka galbeed loo dhaafiyo Wabiga Shabeelle.