Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

CHAMPIONS! Xulka Spain Oo Ku Guulaystay koobka qarada Yurub ee 2024,

Isniin 15 July 2024 {HMC} Xulka qaranka Spain ayaa ku guulaystay koobka Euro 2024 iyaga oo garaacay xulka Nasiibka xun ee England.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo Spain ahaa xulka raadinaya in ay badiyaan.

Dhinacooda xulka England ayaa difaac ku jiray iyaga oo doonayay in ay rikoodhayaal la gaadhaan ciyaarta.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah inkasta oo uu xulka Spain ahaa xulka raadinayay goolka.

Xulka Spain ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo doonayay ina dhaliyaan goolka 1-aad.

Daqiiqadii 47-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nico Williams kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka England ayaa daqiiqadii 73-aad ku soo laabtay ciyaarta waxana goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Cole Pamer.

Iyada oo ciyaartu u muuqato mid la isla aadi doono wakhti dheeri ah ayay wax walba is badaleen.

Daqiiqadii 86-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Mikel Oyarzabal kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

WARARKA