Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Manchester United Oo Go’aan Deg Deg Ah Ka Gaaraysa Mustaqbalka Khadkeeda Dhexe Ee Sofyan Amrabat.

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay go’aan ka gaadho mustaqbalka Sofyan Amrabat isbuuca soo socda.

xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco ayaa qorsheynaya inuu ka tago kooxda iska leh ee Fiorentina xagaagan.

Manchester United ayaa dabin u dhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee La Viola , markay amaahda kusoo qaadanaysay waxay uga sheekesay inuu noqonayo bedelka mustaqbalka fog ee Casemiro.

Ka dib markii Erik ten Hag uu dhawaan saxiixay qandaraas kordhin cusub, tababaraha reer Holland iyo saaxiibadiisa cusub Dan Ashworth, Omar Berrada iyo Jason Wilcox ayaa raadin doonaan inay wax ka qabtaan arrimaha kooxdooda ee baahsan ka hor xagaaga cusub.

Xagaagii 2023kii, Ten Hag wqxa uu 27 jirkan kula saxiixday amaah xilli-ciyaareed ah oo ay ikhtiyaar u leeyihiin inay iibsadaan.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Manchester United ayaa ku qasbanaatay inay bixiso 8.5 milyan oo ginni si uun ay u hesho , xiddiga wacadarada dhigay Koobkii Adduunka 2022, halka heshiiska joogtada ah uu ku kacayo £21.4 milyan.

Bilowgii noloshiisa kubada cagta Ingariiska si tartiib tartiib ah ayuu ku bilowday, laakiin wuxuu soo bandhigay muuqaal qurux badan, gaar ahaan guushii 2-1 ee kooxdiisu ku qaaday finalka FA Cup.

 

WARARKA