Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Dowlada oo Howlgal Qorsheeysan ka Fuliyay Gobolka Hiiraan.

Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (HMC) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayo dadka deegaanka ayaa howlgal Culus ka wado deegaano badan oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,
Howlgalkaan ciidamadu ka wadaan Deegaanadan ayaa ah mid daba socday weerar arbushaad ah oo ay Xalay ku qaadeeyn kooxda Al.shabaab degmada Jalalqasi ee gobolka Hiiraan. Intaasi kadib Ciidamada Dowlada ayaa saakay ku baxay deegaanada degmadaas hoostaga.
Gudoomiyaha degmada Jalalqasi Nuur Maxamed Absuge Nuur dheere ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si buuxdo ula wareegeeyn deegaano hoostaga Degmadaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonan howlgalka ka socda deegaanada kale ee hoostaga degmada Jalalalaqsi gaar ahaan dhinaca Qoraxsin-ka oo ay joogan Xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab.
Abaabulka Wajiga labaad ee Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa ka biloowday Gobolka Hiiraan, Iyadoo Ciidamo badan oo ah kuwa deegaanka lagu diyaariyay Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde.

WARARKA