Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Si Adag Uga Hadlay Xildhibaanada Aana Soo Xaadirin Kulnka Maanta

Arbaco 10 july 2024 {HMC}  Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya yeelan lahaayeen, kaddib markii xildhibaanno badan ka baaqsadeen in ay soo xaadiraan kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga carooday kooram la’aanta uu maanta u baaqday kulanka, waxa uuna sheegay in ay ceeb ku tahay xildhibaannada in kulanka uu maanta iyaga dartood u baaqdo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in lala xisaabtami doono xildhibaannada caadada ka dhigtay in kulamada iska baaqdaan, waxa uuna digniin adag hawada u mariyay xildhibaannada fasax la’aan isaga maqan kulamada golaha leeyahay.

“ Wax la aqbali karo ma aha in kulamada golaha kooram la’aan u baaqdaan, xildhibaannada kulamada ka maqnaadana waa la xisaabtameynaa “ ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo caro xooggan wajigiisa ka muuqatay.

WARARKA