spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Doowlada oo Si Rasmi Ah u Furay Wadada isku Xirta Kismaayo iyo Afmadow

Arbaco 10 july 2024 {HMC} Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ayaa maanta si rasmi ah u furay wadada dheer ee isku xirta Kismaayo iyo Afmadow iyagoo burburiyay gabaadyadii u danbeeyay ee AS ay ku lahayd deegaanada gobolka Jubada Hoose ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow.

Ciidamada ayaa inta uu howlgalkan socday gaaray deegaanada Lagta Qubbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido iyadoo Ciidamadu ay kasoo kala bexeen Degmada Afmadow iyo deegaanka Jannaa Cabdalle.

Ciidamada Jubaland oo maalmahii lasoo dhaafay sifayn ku waday jidka dheer ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow waxaana wixii hada ka danbeeya si nabadd ah u isticmaali doona dadweynaha.

Dhinaca kale Ciidamada Jubaland ayaa maanta howlgalo ka sameeyay deegaanada Joore iyo deegaanka Weelmaarrow iyadoo dagaaladaas khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay khawaariijta.

 

WARARKA