Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Yihiin Xildhibaanada gadoodsan oo digniin adag siiyey Aaden Madoobe

Talaado 09 julay 2024 {HMC} Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo la kulmay Guddoomiyaha baarlamankaa Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sheegay in Ajandaha Madaxtooyada aan lagu sii wadi karin howlaha Baarlamaanka.

Waxay u sheegeen Guddoonka Baarlamaanka in looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka Madaxtooyada iyo Xukuumadda uuna baarlamanka helo madaxbanaanin uu ku wajaho ajendayaasha la horkereno.

Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii Guddoonka uu sii wado afduubka uu ku haayo howlaha Baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada Baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhashana uu qaadayo Guddoonka.

Warkan waxaa Warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb galay kulankaas oo ahaa mid xasaasi ah.

Madaxtooyada ayaa iyadoo isticmaalaysa balan-qaadyo xilal waxay horey u marsatay baarlamanka Somalia ajendayaal xasaasi ahaa oo ay ka mid ahayaeen cutubyadii dastuurka iyo heshiiskii ilaalada xeebaha dalka ee lala galay Turkiga.

Villa Somalia ayaa ku fashilantay iney fuliso balamadii ay ka qaaday xildhibaanada qaarkood oo hadda bilaabay gadood ka dhan ah ajendayaasha Madaxtooyadu ay wadato.

WARARKA