Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya inuu nool yahay oo uu ka badbaaday duqayntii Maraykanka

Talaado 09 julay 2024 {HMC} Hogaamiyaha kooxda Daacish Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, ayaa la ogaaday inuu nool yahay oo uu ka badbaaday duqayn cirka ah oo uu Maraykanku la bartilmaameedsaday 31-kii May ee sannadkan.

Ilo xog ogaal ah oo katirsan hay’adaha Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta, in hoggaamiyaha Daacish uu weli ku sugan yahay goob qarsoodi ah oo ammaankeeda aad loo ilaaliyo oo kutaala buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo farriisin u ah kooxda Daacish.

Hoggaamiyaha Daacish ayaa kasoo muuqday isagoo la hadlayay dagaalamayaal katirsan Daacish, kuwaas oo loo diyaarinayo inay dagaallo la galaan kooxda Alshabaab, oo ay ku wada hardamayaan gacan sarraynta gobolka Bari.

Dhawaan, Saraakiil katirsan sirdoonka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May, lala beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin balse lama caddayn in lagu dilay duqayntaas.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin. Balse duqayntaas waxaa ku geeriyooday saddex xubnoood kale, qaar kalena way ku dhaawacmeen.

Daacish ayaa saameyn weyn ku leh gobolka Bari ee Puntland, waxaana lagu yaqaanaa inay weeraraan goobaha ganacsiga iyo dadka aan bixin lacagaha baadda ah.

 

WARARKA