Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Khasaarihii ugu badnaa oo loogu geystay Gaza Israel oo sii kordhayo

Talaado 09 julay 2024 {HMC}  Ugu yaraan 10 askari ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa lagu dilay howlgal gaadmo ah oo ay Xamaas ka fulisay Rafah, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa wargeyska Wall Street Journal ee ka soo baxay mareykanka.

Askartan ayaa la laayey markii ay gabaad ahaan u galeen dhisme ay qaraxyo ku diyaariyeen Xamaas halkaasoo markiiba lagu dumiyey sida wargeysku qoray

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta Qasa, Abuu Cubeyda ayaa sheegay iney diyaar u yihiin dagaalka iney ii wadaan inta aysan Israel ka quusaneyso.

“Weli waxaan ka dagaallamayna Qasa iyadoo aan helin taageero dibadeed. Mujaahidiintayadu waxay dagaalamayeen 9 bilood waxayna jabiyeen ciidamada cadawga oo ay taageerayaan Maraykanka iyo Ingiriiska” ayuu yiri abuu Cubeyda.

Dhinaca kale, Howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen koonfurta Qasa dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta, waxaa lagu dilay sarkaal calooshiis u shaqeyste ah oo darajadiisuna ahayd gaashaanle oo ka barbar dagaallamayay guutada 601 ee ciidanka Israa’iil, sida ay Al-jazeera ka soo xigatay warbixin ay baahiyeen ciidanka Israa’iil.

Shaacintan ayaa ku soo aaday, kaddib markii 24 saac ee la soo dhaafay lagu dhaawacay xadka Lubnaan , labo qof oo u dhashay Mareykanka, iyagoo ku sugan saldhig ay ciidanka Israa’iil leeyihiin oo ay weerarreen Xisbullah, saacad kaddib markii uu dhacay weerarka.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay labadan qof inay gacan ka siinayeen ciidanka Israa’iil diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, mid ka mid ah ayaanna si xun u dhaawacmay.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12, ayaa sida ay ka soo xigatay Al-jazeera, wuxuu ku warramay inay Xamaas bilowday inay ka dhisto dhulka hoose ee Qasa, godod cusub, sababtoo ah warshadaha soo saara qalabka loo baahan yahay ee Xamaas ayaa wali shaqeynaya, mar kasta oo dagaalka uu istaaganaya waxay warbixintu sheegtay inay Xamaas awood u leedahay inad u gudubto dhinaca Israa’iil oo ay fuliso weerarro la mid ah midkii 7 Oktoobar.

Isra’iil oo dagaalka Qasa ku sheegtay midkii ugu dheeraa taariikhda ayaa sidoo kale la kulmaysa guul-darradii dagaal ee ugu xumeyd taariikhda, iyadoo taageerro dhammeystiran ka helaysa Mareykanka iyo xulufada reer galbeedka, in ka badan sagaal bilood oo dagaal uu ka socdo magaalo go’doon ahayd 20 sanno, waxay Israa’iil awood u yeelan wayday inay soo furato 200 maxbuus iyo soo bandhigista sawir muujin kara guul ay dagaalka ka gaartay.

WARARKA