Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo ka digtay in laga hor istaago doonisteeda Saldhig Militari oo ay ka hesho Badda Cas

Talaado 09 julay 2024 {HMC}  Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay cid kasta oo ka hortimaada rabitaankeeda badda cas inay u arkayaan , arrin khatar ku ah ‘amniga qaranka’, sida uu warbaahinta gudaha Itoobiya u sheegay agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru , oo inta ku daray dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya inuu ku tiirsanyahay 100% badda cas,

isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ;“Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka.”

Itoobiya ayaa doonaysa inay marin ganacsi iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland , bishii koowaad ee sannadkan , kaa oo aan la dhaqangelin, xilli ay si adag u diidday dawladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan, oo toddobaadkii hore kaddib wada-xaajood uu u kala dabqaadayay Turkiga labada dal, lagu guul-darrastay in laga helo natiijo uu caddeeyay inaysan dooneyn Itoobiya inay ka laabato heshiiska.

ma uusan sheegin haddii ay Soomaaliya qaadayso tallaabooyin ay ku joojin karto Itoobiya.

 

WARARKA