Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Taliya CXDS Oo Kulamo La Qaatay hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka

Talaado 09 julay 2024 {HMC}  Iyadoo laga duulayo xoojinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa dardar galinta dagaalka ka dhanka ah AS ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo Rasmi ah.

“Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo Hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan Dagaalka AS , Dhismaha Ciidanka, Taakuleynta iyo sare u qaadista tayada Ciidanka xoogga Dalka ayuu yiri Taliyaha Ciidanka XDS”.

WARARKA