Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} MD Xasan oo Booqday Ciidanka Bada soomaliyed oo Tababar Wili Uga Socdo Ereteriya

Talaado 09 julay 2024 {HMC} Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

WARARKA