Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muusa Biixi oo Cafis Ufidiyay Maxaabiis Ku Jiray Xabsiyada Soomaaliland.

Sabti 06 julay 2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu soo saaray cafis guud ugu fidiyey maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xiran , munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1446-ka awgii.

Wareegtada Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray ayaa cafis loogu fidiyay 377 maxaabiis ah, waxa ayna maxaabiistan oo galay dambiyo fud fudud ku kala xiran yihiin xabsiyo kala duwan oo kuyaalla deegaannada maamulka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: War-bixinta Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/233/2024, kuna taariikhaysan 01/07/2024;

Markaan Arkay: Qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ujeeddadiisu tahay soo-jeedin cafis guud, summaddiisuna tahay XIG/JSL/265/2024, kuna taariikhaysan 06/07/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 377 (Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan) maxbuus, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446 awgeed. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.

WARARKA