Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

MD Koofur galbeed iyo James Swan oo Ka Wada Hadlay Arima aay Ka Midyahiin….

Sabti 06 julay 2024 {HMC}  Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabiley Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Madaxweyne Laftagareen iyo James Swamn oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid ahaayeen arrimaha siyaasada, Amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowlada.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan booqashadiisa magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin maamulka iyo Shacabka Koonfur Galbeed.

Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa safaro ku tagaya qaar kamid ah dowlad goboleedyada, kuwaa uu kala hadlay xaaladaha ka jira deegaannadaasi iyo taageerada Qaramada Midoobo ay siiso.

WARARKA