Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Ciidamada dowladda aay ku biireen dagaal saakay dib uga qarxay Luuq

Sabti 06 julay 2024 {HMC} Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Luuq ee gobolka Gedo , ayaa saakay dib uga qarxay degmadaasi, dagaalka ayaana daba socda dagaal xooggan oo shalay qeybo kamid ah degmadaasi ka dhacay.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka saakay ka qarxay degmada Luuq ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland, kuwaa oo la sheegay in ay lakala safteen ciidamada maleeshiyo beeleedka ee dagaalka u dhaxeeyo.

Shacabkii degnaa Luuq ayaa inta badan isaga qaxaya degmadaasi, waxaana gudaha degmada laga maqlayaa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan labada ciidan ee dagaallamaya, kuwaa oo kala helaya gurmadyo kala duwan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir, ayaa sheegay in degmada Luuq ka socdo dagaal salka ku haya qabiil, waxa uuna xusay in dagaalkii shalay iyo in maanta socda ay ka dhasheen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo in dagaalka ka socda degmada Luuq ay kusoo biireen ciidanka qaranka, kuwaa uu tilmaamay in hadda lakala safteen labada maleeshiyo beeleed ee dagaalkii shalay uu dhax maray.

“Dhibaatada ugu wayn ee meesha ka jirto waxaa weeye ciidamo dowladeed ayaa joogo oo milatari u badan oo meesha fariisin ku lahayn oo fasax ku jooga iyagaa shidada daraf ka ah oo qabiilka la socda haddii lasoo duu duubo intaas ayaa meesha ka jirta” ayuu yiri guddoomiye Shimbir.

Dagaalka ka qarxay degmada Luuq ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan, waxaana dagaalka ku dhintay dad ka badan shan qof oo dumar ku jiraan, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay suuqii degmadaasi ku yaallay.

WARARKA